Golaha Horumarinta Akhriska

Ku Soo Dhawoow Madasha GOLE

Madal u gaar ah akhriska iyo falanqaynta buugaagta. Halkan waxaad ka heli doontaa nuxurka buugaagta adduunka, oo loo soo turjumay Af-Soomaali hufan, si aad uga kororsato aqoon iyo aragtiyo cusub.

Si aad u gasho buugaagta iyo doodaha, fadlan isticmaal cinwaankaaga Google (Gmail).

Maxaad ka helaysaa GOLE?

Waxaan xoogga saarnaa sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa aqoonta adduunka iyadoo la adeegsanayo afkeenna hooyo.

Nuxur Kooban oo Tayo Leh

Kuma dhibtoon helida buug ku haboon in aad akhrisato. Waxa aad Madasha Gole ka helaysa dulucda iyo qodobada ugu muhiimsan ee buuggaagta, si aad dhowr daqiiqo ugula jaanqaadi karto fikirka qoraha.

Af-Soomaali Saxan

Dhammaan buugaagta iyo doodaha waxaa lagu diyaariyay Af-Soomaali fudud. Waxaanu dhiirigelinaynaa in afkeenna lagu barto cilmiga iyo horumarka casriga ah.

Doodo iyo Falanqayn

Kaliya ma akhrinaysid! Madalku waxay ku siinaysaa fursad aad kula fal-gasho akhristayaasha kale, oo aad ra'yigaaga ka dhiibato buugaagta aad akhrisay.